Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo 11 Soomaali ah ka wadatay xadka labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga dowladda Kenya ka sameeyeen deegaano dhaca xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidanku ka fuliyeen deegaano ay ku sugnaayeen Soomaali reer guuraa ah, iyagoo u geystay dhibaatooyin xoogan.

Qaar ka mid ah dadka deegaan ayaa u sheegay in ciidamad Kenya ay kaxeysteen illaa 11 qof oo ka mid ahaa dadkaasi, kuwaas oo aan la ogeyn halka ay la aadeen

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay inay ka wal-walsan xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaasi Soomaaliyeed.

Ciidamada Kenya oo weeraro kala kulma Al-Shabaab ayaa inta badan howlgallada ay sameeyaan si gaar ah ugu bartimaameedsada soomaalida ku sugan xadka labada dal.

Muddooyinkii dambe Kenya ayaa xoojisay amniga deegaanada gobolka Waqooyi Bari, si ay uga hortagto weerarada kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this