Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Aqalka Sare Ee Mareykanka Oo Loogu Baaqay Xil Ka Qaadista Madaxweyne Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, ahna murashaxa xilka madaxtinimo ee xisbiga Dimuquraadiga doorashada 2020-ka ayaa rajo ka muujiyay xil ka qaadista Madaxweyne Donald Trump.

1574542254b71b7.jpg

Mr Biden ayaa dhanka kale ugu baaqay in xisbiga Jamhuuriga ee haysta aqlabiyada golaha aqalka sare inay meel mariyaan xil ka xayuubinta Trump maadaama uu galay khiyaano Qaran.

Kadib wareysi uu siiyay Tv-ga CNN ka ayuu Mr Biden rajo ka muujiyay in xisbiga Dimuquraadiga oo haysta golaha Congress-ka ay xilka ka qaadi doonaan.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa dimuquraadiga oo baadhitaanka waday sideed toddobaad ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabada xigta.

Si kastaba ha ahaatee xil ka qaadista Trump ayaa la filayaa in uu ku dhaqaaqo aqalka Congress-ka inta lagu guda jiro fasaxa Masiixiga ee bisha December oo ku beegan dabayaaqada sannadkaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this