Deeq A. Posted November 24, 2019 Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyey xadka dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidanku ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo dhaca xadka labada dal. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ciidamadu ay howlgalladaasi ku qabteen illaa 11 qof oo reer guuraa ah, islamarkaana ay horay u kaxeysteen. Saraakiisha hoggaamineysay baaritaanadadaasi ayaa ujeedka howlgalladaani ku sheegay kuwa lagu xaqiijinayo amniga, loogana hortagayo weerarada Xarakada Al-Shabaab. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fuliya deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites