Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii ka dambeeyey qaraxii maanta Muqdisho oo la soo bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay nin sheegay in uu ka dambeeyey qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA) ayaa caawa boggeeda Twitter-ka soo dhigtay muuqaal nin dhalinyaro ah oo sheegaya in uu maanta qarax ku xiray gaari yaallay agagaarka Isgoyska Soobe.

Ninkan oo NISA gacanta ku soo dhigtay ayaa magaciisa ku sheegay Xudeyfa Daa’uud Yuusuf, wuxuuna sheegay in uu ka tirsanaa Al-shabaab, gaar ahaan qeybta qaraxyada ku xirta gawaarida.

Xudeyfa ayaa ka sheekaynaya qaabka uu qaraxa ugu xiray gaariga iyo sida ay wax u dhaceen.

Laamaha Amaanka ayaa maanta gacanta ku soo dhigay dhagarqabe Xudeyfa, katirsan qaybta qaraxyada AS, kaasoo ku xiray qarax dhejis ah gaari yaalay agagaarka isgoyska Zoobe pic.twitter.com/nEA93zJXhi

— NISA (@HSNQ_NISA) November 23, 2019

Qaraxa ninkan ka dambeeyey waxaa ku dhaawacmay labo qof oo ku sugnaa aaga, waxaana ka badbaaday darawalkii waday gaariga oo ahaa nooca raaxada.

PUNTLAND POST

The post Ninkii ka dambeeyey qaraxii maanta Muqdisho oo la soo bandhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this