Sign in to follow this  
Deeq A.

Xayiraad Dhanka Iibka Hubka Ah Ku Soo Rogtay Imaaraadka Iyo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Johannesburg)-Dowlada Koonfur Afrika ayaa xayiraad dhanka iibka hubka ah ku soo rogtay waddamada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dagaal ka dhan ah maleeshiyada xuutiyiinta ah ka wada wadanka Yemen.

157451035216036.jpg

Afar sarkaal oo ka tirsan saraakiisha dhanka hubka u qaabilsan koonfur Afrika ayaa sheegay wakaalada wararka ee Reuters in wadamadan carbeed ay ku xad-gudbeen xuquuqda aadanaha.

Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in labadan waddan ay diideen eeda kaga timid Koonfur Afrika oo ah wadanka saddaxaad oo hubka ugu badan ka Iibiya.

Agaasimaha la socodka dhanka hubka koonfur Afrika u qaabilsan wasaarada Amniga Ezra Jele ayaa sheegay in ay ka fiirsanayaan joojinta gabi ahaan macaamil ka kala dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Mr Ezra ayaa tilmaamay in arintaan ay uga gol leeyihiin ka hortagida tacadi bani aadanimo oo ka dhaca Sacuudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this