Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo soo bandhigtay nin loo haysto qaraxii Soobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalka nin loo haysto qaraxii maanta ka dhacay Soobe.

Shaqsigan oo kasoo muuqday muuqaal ay baahisay NISA ayaa magaciisa wuxuu ku sheegayaa Xudeyfa Daa’uud Yuusuf.

Isaga oo bixinaya fahfaahin ku saabsan abaabulkiisa ayaa wuxuu caddeeyay in uu ka yimid dhanka Dharkenlay uuna soo maray Banaadir iyo Beerta Khaadka.

Qaraxii maanta oo lagu rakibay gaari nooca raaxadda ah ayna ku dhaawacmeen laba ruux ayaa waxaa iska lahaa nin la sheegay in uu ka shaqeeyo Aadan Cadde.

Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda falkan oo laamaha ammaanka shaaciyeen in ay cambaareynayaan.

Ruuxa lasoo bandhigay ee loo haysto falkaas ayaa waxaa la sheegayaa in lagu wareejin doono xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamadda oo maxkamadeyn doonta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this