Sign in to follow this  
Deeq A.

Miisaaniyada Puntland ee 2020-ka oo la meel mariyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku anisixiyey miisaaniyada maamulkaasi ee sanadka 2020-ka, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Kulankan ayaa waxaa soo xaadiray  44 mudane, kuwaas oo cod gacan taag ah ku meel mariyey miisaaniyada Puntland ee 2020-ka, mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

Miisaaniyadan oo ah tii ugu badneyd ayaa waxaa ku jira lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta, sida dhismaha jidadka bur bursan ee maamulkaasi, hirgelinta ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda amniga.

Arbacadii la soo dhaafay ayey aheyd markii golaha wasiirada Puntland ay meel mariyeen miisaaniyadani oo dhan 346,416,158.99 oo Dollar-ka Mareykanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this