Deeq A. Posted November 23, 2019 Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan kula qaadanaya xarunta madaxtooyada Qaranka Villa Soomaaliya qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Kumeel Gaarka ah kuwaa oo ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka mudane C/nuur Maxamed Axmed. Kulamadaan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee dalka, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites