Deeq A. Posted November 23, 2019 Mudaneyaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan uga socda xaruntooda ayaa akhrinta koowaad marsiiyay xisaab xirka miisaaniyadda 2018-ka. Kulanka oo uu shir Guddoominayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayna soo xaadireen 143 Xildhibaan ayaa looga hadlayay ajendayaasha kala ah 1.Akhrinta 1-aad Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2018 2.Dhamaystirka Axdiga Midowga Afrika ee dhowrista iyo u gargaarka Barakacayaasha ee Africa iyo 3.Warbixinta safarkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Ethiopia. Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka oo weli ah mid socda ayaa waxa ay akhrinta koowaad marsiiyeen mudaneyaasha Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2018. View the full article Share this post Link to post Share on other sites