Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingriiska oo Somaliland ugu baaqay in ay sii dayso madaama Waddani

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa Xafiiska dawladda Ingiriiska ee Hargeysa danjire Stuart Brown, ayaa ugu baaqay dawladda Somaliland inay sii dayso siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga Waddani ee xabsiga ku jira.

Danjire Stuart Brown, ayaa qoraal uu ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay in Ingiriisku ka walaacsanyahay xadhiga siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxaanu danjire Stuart Brown, yidhi sidan “Ingiriisku wuxuu si wayn uga walaacsan yahay xadhiga sii socda ee loo gaysanayo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Somaliland. Waxaanu ugu baaqnay dawladda inay ama soo eedayso ama xorriyadooda si dhaqso ah ugu soo celiso. Waxaanu ku dhiirigelinaynaa dhammaan xisbiyada oo dhan inay dib u cusboonaysiiyaan wada-hadalka oo ay ilaaliyaan ballan qaadkoodii ahaa in doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanada loo qabto si aan dib u dhac lahayn.”

Geeska

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this