Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Beyle oo shir Maaliyadeed ka furay Kampala

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo Wasiirada Maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabo gabeeyo magaalda Kampala ee dalka Uganda.

Shirkan horumarinta Maaliyadda dalka oo shalay Kampala uga furamay Wasiirada Maaliyadda dowlad gobaleedyada, maamulka Gobalka Banaadir iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa diiradda lagu saaray mideynta sharuucda hagta dhaqaalaha dalka.

“Kampala waxaa nooga furmay shirka horumarinta Maaliyadda Dalka ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka wada shaqeyneynaa sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha Dalkeena, Ummadda Soomaaliyeedna dhammaan uga faa’iidaysato.” ayuu yiri Wasiir Beyle

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay inay ka go’an tahay sidii Wadajir ay u gudan lahaayeen waajibaadka loo igmaday.

Shirka ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabo gabeeyo oo ay ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo ku qotoma horumarinta Maaliyadda dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

1-24 2-21 3-22 5-14

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this