Deeq A. Posted November 23, 2019 Jugta qarax xoogan oo inta badan laga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa. Wararka ayaa sheegaya in dab ka dhashay qaraxaasi uu qabsaday Kaalin Shidaal oo ka agdhaweyd meesha uu ka dhacay. Ma cadda khasaaraha uu geystay qaraxa, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo xiray waddadaasi. Faah faahinta kala soco: radioshabelle.com View the full article Share this post Link to post Share on other sites