Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Jugta qarax xoogan oo inta badan laga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa.

Wararka ayaa sheegaya in dab ka dhashay qaraxaasi uu qabsaday Kaalin Shidaal oo ka agdhaweyd meesha uu ka dhacay.

Ma cadda khasaaraha uu geystay qaraxa, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo xiray waddadaasi.

Faah faahinta kala soco: radioshabelle.com

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this