Deeq A. Posted November 23, 2019 Muqdishoi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay isgoyska 14-ka Octobee, Ex Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari yar oo lagu soo xiray walxaha qarxa, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in xilliga uu qarxayey gaariga ayna qof saarneyn, islamarkaana uu ku baakinaaa waddada dhinaceeda. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu sababay dab xoogan oo qabsaday Kaalin Shidaal oo ku taalla halkaasi. Khasaare kala duwan ayaa jira, basle weli lama xaqiijin inta uu gaarsiisan yahay, waxaana hadda socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay. Meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa ah meel aad u mashquul badan, iyadoona ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray dhaq dhaqaaqa waddadaasi. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe amamaanka Caasimada uu ahaa mid degan, islamarkaana ciidamada dowladdu ay ka wadeen baaritaano joogta ah. Share this post Link to post Share on other sites