Deeq A. Posted November 23, 2019 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay Al-Shabaab ay ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Weerarka oo ahaa mid labo jiho ah ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda deegaanka Muuri ee gobolkaasi. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo uu xigay dagaal toos ah, mana jiro wax hadal oo ka soo baxay dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada dowladda ay howlgallo cusub ka bilaabeen halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites