Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar xoogan oo ka dhacay duleedka Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay Al-Shabaab ay ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Weerarka oo ahaa mid labo jiho ah ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda deegaanka Muuri ee gobolkaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo uu xigay dagaal toos ah, mana jiro wax hadal oo ka soo baxay dhinac.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada dowladda ay howlgallo cusub ka bilaabeen halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this