Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbax Ka Socda Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dibadbax ay dhigayaan darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha (PL) ayaa ka soconaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dibadbaxyada ayaa xoogooda ka socda degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Isgoysyada Towfiiq, Fagax iyo sidoo kale Afarta Jardiin.

Qaar ka mid ah darawalladan ayaa sheegaya iney cabasho ka yihiin lacago dheeraad ah oo maamulka gobolka Banaadir kusoo rogay gaadiidkooda, islamarkaana waddooyinka ay weli yihiin kuwo xiran.

Waxay sheegeen in markii la xiray waddooyinka laga joojiyey lacagahan, balse hadda dib loogu soo rogaalceliyey, iyadoo aanay jirin meel ay ka shaqeystaan waa sida ay hadalka u dhigeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this