Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo sheegtay in xilka laga qaadayo mas’uulkii isu dhiiba Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xukuumadda  federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso degmooyin ka tirsan  gobolka Gedo oo ay ka arrimiso Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenka oo wareysi siiyay BBC-da ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo iyo mas’uuliyiin ku sugan gobolka Gedo oo ka goostay dowlad goboleedka Jubaland kuna biiray dowladda Federaalka Soomaaliya

Balse wuxuu  sheegay in haddii ay jiraan mas’uuliyiin culays lagu saaray in ay Jubaland ka tegaan oo dowladda federaalka isu dhiibaan ay arrintaasi xor u tahay isagoo intaasi raaciyay  in mas’uulkii ka tirsan Jubaland ee dowladda Federaalka isu dhiiba ay booskiisa qof kale u magacaaban doonaan.

Mar wax laga weydiiyay sababta uu u tegi waayay degmooyinka gobolka Gedo ee Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow oo ka tirsan Jubaland ayuu  Maxamuud Sayid Aadan  sheegay in uusan doonayn in rabshado ay halkaasi ka dhacaan.

Xiisadda siyaasadeed ee degmooyinkaasi galbeedka gobolka Gedo ayaa ka dhashay xarig bilo ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo ilaa iyo haatan u xiran dowladda federaalka.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo baxayay warar ah in ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland oo si toos ah uga amar qaadanayay Cabdirashiid Janan ay markii dambe ku biireen kuwa dowladda dhexe.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo sheegtay in xilka laga qaadayo mas’uulkii isu dhiiba Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this