Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Garoowe oo soo bandhigay maandooriyaal iyo agabka wax lagu dilo

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Qeybta Booliiska gobolka Nugaal, ayaa saaka oo Sabtiya saldhiga dhexe ee caasimadda Garoowe ku soo bandhigay Khamri, Xashiish, toorayo iyo agab kale oo ay adeegsadaan dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee dhaca iyo furashada ka gaysta gudaha  magaalada.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay, in hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Garoowe ay ku soo qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo dhibaato dhac iyo furasho u gaysta dadka shacab ah, kuwaasi oo inta badan adeegsada maandooriyaal halis ah sida khamriga iyo Xashiishka.

Maandoriyaashan dhalinyaro keliya laguma soo qaban, balse sida ay saraakiishu sheegeen waxa jira dad kale ka ganacsada khamriga iyo xashiishka iyo qaar isticmaala oo si dhuumasho ah gudaha magaalada ku soo geliya.

Taliska ayaa digniin adag u diray dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaala maandooriyaasha waxaana ay ku hanjabeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo falalkaasi lagu qabto

Hoos ka eeg sawirada

1-61.jpg?w=1000&ssl=1 2-45.jpg?w=1000&ssl=1 3-39.jpg?w=1000&ssl=1 4-35.jpg?w=1000&ssl=1 5-33.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Booliiska Garoowe oo soo bandhigay maandooriyaal iyo agabka wax lagu dilo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this