Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo wadda Qorshe lagu yareynayo Fataahaadaha Webiga Shabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u dayactir ku sameynayso ilaa 10 kanaal oo ku yaala gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, si loo yareeyo fatahaadda ka dhasha Webiga Shabeelle.

Wasiirka Beeraha dowladda Federaalka Siciid Xuseen Ciid ayaa Warbaahinta u sheegay in dayactirka kanaaladan loo adeegsan doono yareynta Fatahaadaaha uu sameeyo Webiga Shabeelle.

Waxaan dhameystirnay kanaalka weyn Birimo sugundaariyo ee ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana hadda qorsheyneynaa in Wasaaraddu ay dib u dayactir ku sameyso shan kanaal oo gobolka Shabeelaha Dhexe ah iyo shan Shabeelada Hoose in la dayactiro, waana tobanka kanaal ee ugu waa weyn” ayuu yiri Wasiirka Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in sababta ugu weyn ee uu fatahaadda ku sameyo Webiga Shabeelle ay tahay in webiga uu aasmay oo carro ay ka buuxsantahay.

Dhowr siyaabood ayuu Webiga Shabeelle fatahaad ku sameeyaa, tan koowaad waa webiga oo aasmay, isla markaana aan muddo helin wax dayactir ah, tan labaad oo ah in biyaha webiga meelo qaldan laga furo oo ay sameeyaan biyo baxo, taasi oo ay inta badan adeegsadaan argagixisada Al-Shabaab oo difaac ka dhiganeysa” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka.

Mudane Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe mideysan oo arrinta biyaha la xiriirta haddii ay tahay tan webiga iyo kuwa kale ee caadiga ah.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo wadda Qorshe lagu yareynayo Fataahaadaha Webiga Shabeelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this