Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa Sabtida maanta ah ansixiyay odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka oo Khamiistii ay wasaaradda Maaliyaddu u gudbisay Baarlamanka.

Kulanka Baarlamanka ee Sabtida maanta oo ay soo xaadireen 44 mudane, ayaa dhammaantood cod-gacan taag ah ku ansixiyeen Miisaaniyadda, iyadoo aysan jirin cid diidday iyo cid ka aamustay midna.

Odoroska Miisaaniyadda dowladda oo dhan $ $346,416,158.99 oo Dollar, ayaa Golaha Wasiirada Puntland ansixiyeen Arbacadii la soo dhaafay, kadib kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen xarunta wasaaradda Maaliyadda ee caasimadda Garoowe.

Miisaaniyadan oo tii ugu badneyd ah, waxaa ku jira lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe –Bosaaso.

sidoo kale,  waxaa kamida  horumarinta adeegyada bulsho ee as’aasiga ah sida hirgelinta ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda  Amniga.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this