Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS oo maanta la kulmaya xisbiyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda kulan la yeelan doono xisbiyada siyaasada ee heysta shahaadada KMG ah.

Kulankan ayaa noqon doono kii u horreeyay ee Madaxweyne Farmaajo la qaato inta badan xisbiyada siyaasadda ee dhowaan uu diiwaan geliyay guddiga doorashooyinka Qaranka.

Farriimo laga diray Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyay xisbiyada siyaasadda inay isugu yimaadaan kulan uu Madaxweyne Farmaajo la qaadan doono, kaasoo dhici doonao maanta.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu kala hadli doono xisbiyadan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka oo dowladda Federaalka dooneyso in la qaato nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah.

Dhowaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu Madaxtooyad aku qaabilay hoggaanka madasha xisbiyada Qaran.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this