Deeq A. Posted November 23, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen deegaanka Ceel-Saliini ee gobolkaasi. Ugu yaraan illaa afar askari oo la socotay gaariga lala eegtay qaraxa ayaa dhaawacantay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan ciidamada huwanta ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weeraro gaadmo ah kala kulma dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku xoogan gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites