Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo markii u horraysay ka hadlay weerarkii xukuumaddiisu ku qaaday xarunta Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

 Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan Qado sharaf ah u sameeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Sii-hayaha Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo, Aqoonyahano, Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey kulankaasi wuxuu sheegay ujeedka kulanku inuu yahay xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqon doona, si loo gaaro horumarka Puntland iyo in dadka la gaarsiiyo adeeygada dowliga ah ee asaasiga ah.

Wuxuu Madaxweynuhu dadka xasuusiyey dhismihii Puntland, dadaalkii iyo wakhtgii lagu bixiyey in ay noqoto meel ka duwan Soomaaliya inteeda kale oo hormuud u noqotay dalka dhinac walba, wuxuuna ku baaqay ku adkeynta midnimada iyo ka shaqeynta amniga iyo horumarka Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweyne Deni wuxuu u tacsiyadeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadii dhowaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland, isagoo eebe uga baryey inuu janadii geeyo eheladoodiina samar iyo iimaan ka siiyo, si gaar ah Madaxweynuhu wuxuu u xusay Alla Haúnaxariistee Marxuum Cabdikariim Dhegaweyne oo ahaa mulkiilihii xarunta Hida-raac oo kulanka qadada ah lagu qabtay.

2-44.jpg?w=1000&ssl=1 3-38.jpg?w=1000&ssl=1 4-34.jpg?w=1000&ssl=1 5-32.jpg?w=1000&ssl=1 6-30.jpg?w=1000&ssl=1 7-19.jpg?w=1000&ssl=1 8-17.jpg?w=1000&ssl=1 11-9.jpg?w=1000&ssl=1 13-5.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo markii u horraysay ka hadlay weerarkii xukuumaddiisu ku qaaday xarunta Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this