Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi: Iftihii Umal ee markii la doortay Shariif wuu ka halis badnaa hubka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay hadal uu jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal sanadii 2009, markii uu madaxweyne noqday Sheekh Shariif, kaasi oo uu sheegay inuu ahaa “halis ka daran hubka”. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi.

Waxaan qirayaa in iftihii Sheekh Umul ee sanadihii 2008-2009 markii Sheekh Shariif xukunka qabsaday inuu ka khatarsanaa noocyadii hubka ee ay isticmaalayeen kooxaha Alshabaab iyo Xusbul Islaam oo dawladda Soomaaliya awoodeeda lagu wiiqayey.

Waxaan qirayaa In iftahaas uu shidaal u ahaa moralka wiilashii marin habaabsanaa ee umadda xasuuqayey, dhanka kalena dawladda ciidamadeeda layanyey.

Waxaan qirayaa In wadaadkaas iftihiisii uu Nairobi ka soo dirayey In tobanaan kun oo dad muslim ah ay godka hoostiisa ugu jiraan, caruur badan ay u agoontoomeen, burbur hantiyeed iyo dib u dhac umadeed oo weynna uu sababey.

Waxaan ugu danbayn ognahay In iftiha Sheekh Umul iyo kuwa kale oo Nairobi kula sugan in ay ka mid yihiin casharada alshabaabka cusub tababarada maskax dhiqidda iyo marin habaabinta ah ee la siiyo.

Inkasta oo ay isbedeli karaan wadaadadii afkaarta gaalaynta ka faafinayey ciddii la macaamisha ciidamada AMISOM ayagoo wadamada ay ku nool yihiin la og yahey haddana In dadkii dhibbanaha u noqdey iftahooda ay tabasho kaliya soo gudbiyaan oo aysan dacwad kale ku furin, haddana la isku dayo In la afqabto waxaan u arkaa in ay qaldan tahay, wadaadada waxaas samaynaya ay muuqato In dhibka umadda ka soo gaarey iftihiisa ay kala weyn tahay kooxnimadu.

Sheekh Umul iftihiisii dhibka uu noo geystay dawlad iyo shacab Soomaaliyeed ahaan waa inuu umadda horteeda uga cudurdaartaa, weliba asagoo taageero u ah Madaxda Villa Somalia oo ciidamada AMISOM oo gaalo ah ay ilaalinayaan, lagana yaabo meesha uu muxaadarada ku qabanayo In ay ayana ilaalinayaan kuwii uu murtidiinta ku tilmaamayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this