Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Xorriyadda Somaliland Ka Hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

James Swan, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo shalay galinkii dambe khudbad ka jeedinayay kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay kaga hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrinta Somaliland gaar ahaana xorriyadda iyo wada hadalka Soomaaliya.

“Iyada oo la filayo in doorashada Baarlamaanku ay ka dhacdo Somaliland 2020-ka, waxa muhiim ah in xorriyaadka siyaasadeed iyo xuquuqal insaanka la ixtiraamo,” Sidaas ayuu yidhi Mr James Swan.
Ergayga Unta waxa uu intaasi ku daray ahmiyadda wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland “Marka  la eego xidhiidhka Somaliland, waxaanu xukumaddaha Muqdisho iyo Hargeysa labadaba ku boorinayna in ay xoogga saaraanaahida dadweynaha, kuna qaabilaan maskax furan dadaallada lagu dhiirigelinayo Wada hadallada oo dib u bilaama,” Sidaas ayuu yidhi Mr James Swan.
Hadalka Danjiraha UN ayaa imanaya iyada oo ay xidhan yihiin xoghayaha guud iyo afhayeenka guud ee xisbiga Waddani iyo dadyow kale oo loo xidhay arrimo siyaasadeed. sida oo kale telefishanka Horn Cable ayaa wajahaya xayiraad xukumaddu la maaggan tahay waxaana dhawaan Somaliland iskaga cararay wariyeyaasha iyo masuuliyiinta shabakadda Hadhwanaag oo ka baxsaday xadhig loo gaysto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this