Deeq A. Posted November 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in Almaas Elman ay ku dhex-geeriyootay xarunta Xalane. Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay AMISOM, Almaas ayaa u dhimatay xabad haleeshay gaari ay saarneyd oo marayey wadada isku xirta Xalane iyo madaarka Aadan Cadde. Bayaanka ayaa lagu xusay in laba kale oo uu ku jiro darawalka oo la saarnaa gaariga aysan waxyeelo kasoo gaarin dhacdada oo ay xuseen in ay baaritaano ku sameyn doonan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay caddeeyeen in ay kala shaqeyn doonan baaritaanka kiiskan oo taliska Boolisku caddeyeen in ay khuburo caalami ah ka qeyb-qaadan doonan. Marxuumad Almaas oo geerideeda lasoo wariyey 20-kii bishaan November ayaa ahayd sarkaal dhanka warbaahinta u qaabilsan ururka Midowga Yurub una ololeysa nabadda. Xalane oo fariisin u ah qaar kamid ah howlgalada diblumaasiyadeed ee wadamada caalamka ayaa ah meel ammaankeeda aad loo adkeeyo maadaama ay ku badan yihiin shisheeyaha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites