Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo shaacisay caqabadaha doorashada Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan, oo golaha ammaanka siiyey warbixin ku saabsan xaalada dalka, ayaa ka hadlay  khilaafka gaamuray ee u dhexeeya dowladda federaalka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka qaarkood iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

“Waxaan dib u cusbooneysiinayaa baaqayga ku wajahan hogaamiyaasha dalka, si ay u soo nooleeyaan wadahadalkooda una fuliyaan ballanqaadyadoodii ku aadanaa xallinta khilaafka siyaasadeed, iyadoo loo marayo hab tanaasul ah iyo danaha dadka Soomaaliyeed,” ayaa ku yiri warbixinta.

Waxa uu sheegay, in si loogu guuleysto ajanadaha Soomaaliya ee 2020 ee doorasho, ay qasab tahay inuu yimaado tanaasul siyaasadeed.

“Madaxda Soomaalida waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqaan sidii looga gudbi lahaa is-mari waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la eegayo danta qaranka,” ayuu xusay Swan.

Doorashadda Soomaaliya ee 2020/21 ayaa lagu wadaa in ay noqoto qof iyo cod, waxaana xukuumadda ay dhowr jeer ku celcelisay in ay ka go’an tahay hirgelinta coddeynta oo shacabka fursad u siineysa in ay doortaan hogaankooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this