Deeq A. Posted November 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Alle ha u naxariistee, Almaas Elman, oo ah gabar ka shaqeysa arrimaha samafalka, ayaa lagu wadaa in lagu aaso Muqdisho. Marxuumadda ayaa 20-kii bishaan November ay xabad ku dishay wadada isku xirta xarunta Xalane iyo madaarka diyaaradaha caalamiga ah, Aadan Cadde. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan aaska oo la sheegayo in uu heer sarre noqonayo. Laamaha ammaanka ayaa tilmaamay in ay baaritaano ku wadaan qaabka ay wax u dhaceen, lama soo warin hadii shaqsiyaad loo xir-xiray. Xukuumadda ayaa shaaca ka qaadey in ay cadaaladda marsiin doonto cid kasta oo ay ku cadaato in ay ku lug lahayd geerida marxuumad Almaas. View the full article Share this post Link to post Share on other sites