Deeq A. Posted November 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Somalia, Xaliimo Ismaaciil iyo guddoomiyaha bulshada Rayidka Cusmaan Macallin iyo xubno kale ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii Qudbadahooda ka horjeediyay kulanka golaha Ammaanka. Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo-Yarey ayaa faahfaahin ka bixisay Arimaha hadashay doorashada iyo waxa u qorsheysan guddigooda, iyadoo xustay inay dadaal badan gelinayaan sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah. Dhinaciisa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia James Swan ayaa u sheegay golaha Ammaanka in hiigsiga ajendaha 2020 uu u baahnaan doono heshiis siyaasadeed iyo isfaham guud. “Muhiimadu waa in Baarlamanka Soomaaliya uu meel mariyaa sharciga doorashada iyo meel-marinta wax ka badalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhamaadka Disembar si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada” ayuu yiri James Swan. Mr James Waxaa uu sidookale soo hadal qaaday in Soomaaliya horumar ay ka gaartay deyn-cafinta, qorshaha cusub ee horumarinta Qaran, iyo dib u soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites