Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Talyaaniga oo Muqdisho keentay gar-gaar loogu tala galay Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladan Muqdisho.

Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirta ayaa ka timid Dalka Talyaaniga, taas oo loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Deyrta saameeyeen, iyadoo gar-gaarkaasina lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dadka dhibaateysan.

Talyaaniga ayaa ka mid ah Waddamada Caalamka ee ka qeyb qaadanaya gurmadka loo fidinayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

1-57.jpg?w=1000&ssl=1 2-42.jpg?w=1000&ssl=1 3-36.jpg?w=1000&ssl=1 4-32.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Talyaaniga oo Muqdisho keentay gar-gaar loogu tala galay Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this