Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo faahfaahin ka bixisay qaabkii uu u dhacay dilkii Almaas Elman

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa War kasoo saaray dilkii gudaha Xalane oo loogu geystay Almaas Elman Axmed oo aheyd diblomaasi hore iyo ruux u dhaqdhaqaaqa nabada Soomaaliya.

AMISOM Waxa ay xaqiijisay in xabad ay ku dhacday Almaas xilli ay kasoo baxday Shir  ay uga qeyb gashay Xalane, islamarkaana ay dooneysay in ay aado garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ay saarneyd kursiga dambe ee gaariga , Darawalkii iyo ruuxii kale ee la socdayna aysan waxba gaarin.

“AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay si buuxda ugu baaraan geerida naxdinta laheyd ee ku timid Marwo Almaas Elman Cali Axmed, oo ku dhacday rasaas 20-kii November ka dhacday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay AMISOM.

Dilka loo geystay Almaas Elman ayaa shaki badan abuurtay, waxaana la is waydiinayaa sida ay u dhacday in lagu dilo Xarunta Xalane oo ah meel aad loo adkeeyo ammaankeeda.

Marxuumada ayaa la filayaa in Maanta lagu aaso Magaalada Muqdisho, waxaana duugisteeda kasoo qeybgeli doono madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socdo Beesha Caalamka.

75521843_2530185297266627_76395789535517

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this