Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shabakad dilalka iyo qaraxyada u qaabilsaneyd Al-Shabaab oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland oo saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey Kismaayo ayaa gacanta ku soo dhigay shabakad isku xirneyd oo la sheegay inay dilal iyo qaraxyo ka geysan jirtay magaaladaasi.

War ka soo baxay hay’adda nabad sugida Jubbaland ayaa lagu sheegay inay ciidanka amnigu soo qabteen, Maxamed Cabdullaahi Abuukar iyo Cismaan Maxamed Maxamuud oo lagu eedeeyey inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen weerarada magaalada Kismaayo.

Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in xilliga la soo qabanayey raggan ay gacmaha kula jireen fal dambiyeed, islamarkaana uu mid ka mid ah ku hubeysnaa Bistoolad, midka kalena uu waday qarax lagu dhex diyaariyey Tarmuus, siday lagu shaaciyey qoraalkan.

Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi oo ah taliyaha nabad sugida Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay tageen goob keyd u aheyd raggaasi, islamarkaana laga soo helay labo qarax oo nooca miinada ah iyo todobo bam gacmeed.

Ugu dambeyn wuxuu taliyuhu sheegay inuu uga mahadcelinayo shacabka Kismaayo, sida ay ula soo wadaageen xogta raggaasi iyo falalka ay abaabulayeen ee laga hortagay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaaladaasi ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorsheysan.

11-2.jpg 22-1.jpg 33-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this