Deeq A. Posted November 21, 2019 Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay ka sameeyeen degaano hoosyimaada gobolka Jubadda Hoose. Wararka ayaa tibaaxaya in laamaha amniga ay howlgalkaasi ay ku soo qabteen afar qof oo mid ay tahay haween iyadoona sidoo kale lala xariirinayo in ay ka tirsan yihiin dagaalameyaasha Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in saacadaha ay soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonan islamarkaasi faah-faahin dheeraad ahna ka siinyaan howlgalkaasi. Afarta Qof ayaa la sheegay in ay maleegayeen weerar xarumo wasaareed oo ku yaala magaaladda Kismaayo. Dhinaca kale, Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Dowlada Soomaaliya oo isku dhinac ah ayaa la wareegay Deegaano dhaca Gobolka Jubada Hoose. Deganaasi ayaa waxay kala yihiin; Buula Xaaji iyo Kaam Jaroon oo ka wada tirsan Dowlad Gobalaydka Jubbalad. Saraakiisha qeybta 43 ee Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen howlagalkaasi ay kaga saareen Dagaalyahnada Al Shabaab deeganada ay kaga sugnaaueen Gobolaka Jubada Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites