Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo qabatay rag qorsheynayey weeraro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay  ka sameeyeen degaano hoosyimaada gobolka  Jubadda Hoose.

Wararka ayaa tibaaxaya in laamaha amniga ay howlgalkaasi ay ku soo qabteen afar qof oo mid ay tahay haween iyadoona sidoo kale lala xariirinayo in ay ka tirsan yihiin dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in saacadaha ay soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonan islamarkaasi faah-faahin dheeraad ahna  ka siinyaan howlgalkaasi.

Afarta Qof ayaa la sheegay in ay maleegayeen weerar xarumo wasaareed oo ku yaala magaaladda Kismaayo.

Dhinaca kale, Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Dowlada Soomaaliya oo isku dhinac ah ayaa la wareegay Deegaano dhaca Gobolka Jubada Hoose.

Deganaasi ayaa waxay kala yihiin; Buula Xaaji iyo Kaam Jaroon oo ka wada tirsan Dowlad Gobalaydka Jubbalad.

Saraakiisha qeybta 43 ee Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen howlagalkaasi ay kaga saareen Dagaalyahnada Al Shabaab deeganada ay kaga sugnaaueen Gobolaka Jubada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this