Sign in to follow this  
Deeq A.

Khuburo loo saarey baaritaanka geerida Almaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Almaas Elman oo ah gabar kasoo jeeda Qoys Soomaaliya dhaxdiisa caan ka ah.

Almaas Elman Cali oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo ka shaqeeneysay arimaha xaquuqda aadanaha sidoo kale horey usoo noqotay diblumaasiyad sare.

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya in xarunta Dambi baarista CID-da ay furtay gal dacwadeed ku aadan dilka Almaas Elman iyo sida uu u dhacay, waxa uuna xusay in baarista ka qeyb qaadanayaan saraakiil khubaro ah.

Dilka Almaas Elman oo ka dhacay gudaha xarunta Xalane oo ah goob amaankeeda si weyn loo ilaaliyo ayaan wali la ogeyn sida u udhacay, waxaana gabadhan xabad ku dhacday xili ay saarneyd gaari dhax marayay gudaha xarunta Xalane.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/FF.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this