Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo xariga ka jaray waddo iyo xarun + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dib u howlgalinta xarunta xanàanada caruurta degmada warta nabada

Xarig-jarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish waxa uu kormeeray qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay ee loogu talagalay in lagu daryeelo caruurta agoonta ah iyo kuwa dayacan si ay helaan fursada lamid ah kuwa ay waalidiintooda nool yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa digniin u diray dadka sida qaldan u isticmaala dhulalka danta guud ee bulshada loogu adeegi lahaa.

Dhinaca kale, Cumar Filish ayaa xariga ka jaray dhismaha laamiga isku isku xira isgoosyada Cali Kamiin iyo Ifka Xalane ee degmada Warta Nabada oo uu dib udhis ku sameeyay maamulka gobolka Banaadir.

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing

Image may contain: 8 people, people standing and outdoorImage may contain: 11 people, people standing, wedding and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this