Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo xukun dil ah ku ridday eedaysane lagu helay Shabaabnimo

Recommended Posts

Deeq A.   
shabaab.png?w=1000&ssl=1Eedaysanaha la xukmay

Maxkamadda Derejada Kowaad ee ciidamada Qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday nin dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in uu falal argagixiso ka geystay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Eedaysanaha xukunka lagu riday oo magaciisu yahay, Cabdullaahi Cali Aadan ayaa sida la sheegay Al-shabaab ku biiray sannadkii 2014-ki, isagoo mudadii uu ka tirsanaa geystay falal argagixisanimo oo kala duwan iyo dilal qorshaysan.

Eedaysane Cabdullaahi Cali Aadan ayaa si gaar ah loogu helay in uu wax ka fuliyay weerar 26 bishii November 2018 ay Al-shabaab ku qaadday xarun uu koonfurta Gaalkacyo ka degganaa wadaad lagu magacaabi jiray Sheikh Cabdiweli Cali Cilmi yare.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay wadaadkii iyo xubno kale oo xertiisa gaarka ah kamid ahayd, kuwaasi oo ay ku jireen carruur iyo haween  sida ay xilligaasi shaaciyeen Booliiska dowlad goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Kowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, G/sare Xassan Cali Nuur Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in eedaysanaha lagu helay dhammaan denbiyada ay ku soo eedaysay xeer-ilaalinta ciidamada.

Guddoomiye Shuute oo xukunka kaga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo ayaa ugu dambeyntii xukmanaha u sheegay in uu haysto fursad uu rafcaan ku qaadan karo haddii uusan ku qancin xukunka ay maxkamaddu ku ridday.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo xukun dil ah ku ridday eedaysane lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this