Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan Laba nin oo lagu gowracay duleedka Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in gobolkaasi lagu gowracay laba nin, taasoo argagax ku abuurtay bulshada qaybteeda.

Labadan nin ayaa waxaa xalay lagu gowracay Deegaanka Muuri oo 15km u jira Degmada Afgooye, waxayna saakay dadka ku soo tooseen meydadka labadaaasi nin oo wadada dhinaceeda yaala.

Maxamed Abuukar oo ka mid ah dadka reer Muuri ayaa sheegay inay saakay ku waa-bariisteen meydadka labadaasi nin, oo qoorta ka go’an.

Maxamed Abuukar ayaa wuxuu tibaaxay inaanay garanayn ciddii ka dambeysay falkaasi, sidoo kalena uu muuqaalka raggaasi ku cusub yahay.

Waxaa uu intaa ku daray in bulshada ku dhaqan Deegaanka Muuri ay hadalhayso labada nin ee la surgooyay, falkaasina uu argagax-geliyay.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaan ka hadlin tallaabada lagu gowracay labadaasi nin iyo weliba ciddii ka masuulka ahayd qoor jaristooda.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn cidda ka dambeyso, haddana Ururka Al Shabaab ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku caan-baxay surgoynta, iyadoo ay dad badani nolosha u dhaafiyeen baasasnimo iyo inay ku eedeeyeen la shaqaynta dhinacyada ay dagaalka kula jiraan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this