Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Walaalkii U Magacaabay Raysal Wasaare

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sri Lanka)-Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra’isul wasaaraha cusub ee dalkaasi.

20191121637098919228242150_109652887_slg

Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo lagu wado in Khamiista xilka loo dhaariyo, ayaa xilka qabanay iyada oo xilka ka dagayo Tanil Rajapaksa oo xisbigiisa si weyn looga guuleystay doorashadi toddobaadki hore dalkaasi ka dhcday.
Afhayeen xukumadda cusub u hadlay wuxuu sheegay Mahinda oo laba wareeg oo hore madaxweyne soo noqday ayaa isaga laftiisa walaalkii ka yar u dhaarinaya Ra’isal wasaaranimo.

Labada nin ee walaalaha ah ayaa ah kuwo door weyn ku lahaa soo afjaridda dagaalki sokeeya oo ku dhawaad 20 sanno ka socday dalkaasi oo soo gabagaboobay 10 sanno ka hor oo ay dowladda Sri Lanka kula jirtay maleeshiyada Timil.

Madaxweynaha cusub ee loo doortay Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra’isal wasaaraha dalkaasi.

Mahinda ayaana sida oo kale la filayaa Khamiista in xilka Ra’isal wasaaranimada loo dhaariyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this