Deeq A. Posted November 21, 2019 Canada (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau, ayaa wuxuu Axmed Xuseen, u magacaabay wasiirka Horumarinta Bulshadda. Xuseen ayaa wuxuu horey u hayey jagadda Wasiirka Arrimaha Socdaalka, xilkaas oo la sheegay in uu aad uga soo dhalaalay. Jaaliayadda Soomaaliyeed ee waddankaas ayaa ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo dhiibay Axmed oo Xildhibaan ah. Mr Axmed Xuseen ayaa dalka Canada ku galay qaxooti ahaan, waxaana la sheegayaa in uu qaxootiga Afrika albaabada u furay inta uu xilka haye. View the full article Share this post Link to post Share on other sites