Deeq A. Posted November 21, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal saaka ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho. Iska hor-imaadka ayaa yimid markii dabley la rumeysan yahay in ay Al-Shabaab ka tirsan yihiin weerareen fariisin ciidan. Fariisinka oo ku yaala degaanka Siinka Dheer ayaa waxaaa lagu baaraa gaadiidka soo galaya magaala madaxda dalka. Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in laysku adeegsaday hub cusub, isla markaana ay jirto dhimasho iyo dhaawac. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka Soomaaliya iyo dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab. Shalay ayey ahayd markii duleedka Muqdisho ay isku xabadeeyeen ciidamadda dowladda dhexdooda taas oo dhalisay waxyeelo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites