Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal saaka ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho.

Iska hor-imaadka ayaa yimid markii dabley la rumeysan yahay in ay Al-Shabaab ka tirsan yihiin weerareen fariisin ciidan.

Fariisinka oo ku yaala degaanka Siinka Dheer ayaa waxaaa lagu baaraa gaadiidka soo galaya magaala madaxda dalka.

Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in laysku adeegsaday hub cusub, isla markaana ay jirto dhimasho iyo dhaawac.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka Soomaaliya iyo dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Shalay ayey ahayd markii duleedka Muqdisho ay isku xabadeeyeen ciidamadda dowladda dhexdooda taas oo dhalisay waxyeelo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this