Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Ciidamada DF oo dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kaamjaroon (Caasimadda Online)- Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu dagaal ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka JUBBADA hoose.

Deeganada ay ciidamada la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Kaamjaroon iyo Buulaxaaji oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, sida  ay goob joogayaal Sheegeen.

Ciidanka Jubbaland waxa ay sheegeen in ay fariisimo ay ka sameysteen degaanada ay ka baxeen Ururka Al-Shabaab, islamarkaana hadda ay ka waddaan howlgallo.

Ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland  ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay  howlgallo ka  wadeen  degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil katirsan taliska qeybta 43-aad iyo ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab oo howlgalka ka qeyb-qaadanayay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadu ay weli deegaannadaas ku sugan yihiin,iyaga oo aan la kulmin iska cabin xoogan.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in howlgalka uu noqon doono mid sii socda ilaa iyo inta deegaannada kale ee Jubbooyinka kaga sugan yihiin laga saaro Ururka Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan degaanada ay sheegeen Ciidanka dowladda in ay iskaga baxeen Al-Shabaab kadib dagaal lagu soo qaaday.

3-57.jpg 2-70.jpg 1-75.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this