Sign in to follow this  
Deeq A.

Gal-dacwadeed laga furay dilkii Almaas Elman

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa gal-dacwadeed ka furtay dilkii Muqdisho loogu geystay Almaas Elman.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed oo goor-dambe oo caawa hadlay ayaa sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan laanta CID ay furtay gal-dacwadeed ay ka qeybgali doonaan saraakiil badan oo khibrad u leh baarista noocaan oo kale ah.

Gen. Cabdi Xasan ayaa intaas ku daray in wixii ka soo baxa kiiskaas ay la wadaagi doonaan ummadda Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tacsi u diray ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Almaas Elman.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dilkii Almaas Elman.

Posted by Puntland Post on Wednesday, November 20, 2019

Allaha u naxariistee Almaas Elman ayaa maanta galinkii dambe gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho xabad ku dhacday ugu geeriyootay.

Almaas oo la sheegay in ay la shaqeyneysay xafiiska xiriirka iyo isgaarsiinta ee Midowga Yurub waxaa xabadu ku dhacday xilli ay saarneyd gaarigeeda oo marayay wadada isku xirta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Almaas.jpg?w=1000&ssl=1Marxuumad: Almaas Elman

Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay ciidamada AMISOM oo gacanta ku haya amniga xerada Xalane ee lagu toogtay Almaas Elman.

Almaas xiliga xabadu ku dhacday waxaa gaariga la saarnaa Said Fadhaye oo ah Wariye madax bannaan, wuxuuna daqiiqado kadib bartiisa Fecebook-ga ku soo qoray in uu ka badbaaday weerar lagu soo qaaday isaga iyo Almaas oo uu sheegay in ay dhabtiisa ku geeriyootay.

Said Fadhaye iyo darawalkii gaariga waday ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, saacado ka dibna waa la siidaayey.

Almaas Elman ayey walaalo ahaayeen Ilwad Elman oo ah gabar u ololeysa nabadda, sanadkana ku jirtay dadkii loo sharaxay abaalmarinta Nabadda ee Noble Peace Price.

Qoyska Almaas ayaa ka shaqeynta arrimaha xuquuqda aadanaha iyo nabadda ka dhaxlay Aabahooda Elman Cali Axmed oo sanadkii 1996-dii lagu dilay magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Gal-dacwadeed laga furay dilkii Almaas Elman appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this