Sign in to follow this  
Deeq A.

Qodobada kasoo baxay kulankii Farmaajo & madaxdii hore

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qaabilay hogaamiyeyaashii talada kaga horeeyay ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 7aad ee dalka, ayaa wuxuu ka warbixiyey qodobadii ay isla meeldhigeen Farmaajo.

Hoos ka akhriso qodobadda

1. In Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ka garaabay arrimihii ka dhashay safaradii Kismaay iyo Beladweyne.

2. In Doorashada Dalka waqtigeeda ku dhacdo , lagana hishiiyo qaabka Iyo nooca Doorashada u dhaceyso 2020-2021 .

3. In La ilaaliyo Xoriyaadka iyo xaquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed.

4. In la ilaaliyo Dastuurka iyo Sareynta sharciga .

5. In aanan Arrimaha amniga la siyaasadeyn , meelna looga Soo wada jeesto dagaalka lagula jiro Alshabaab. In ciidamada amniga ka shaqeeya sidoo kale ay ku dhexmilmin siyaasada.

Dhinaca kale, ma jiro illaa iyo haatan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Madaxooyadda Soomaaliya oo kulanka si gaar ah ugu martiqaadey madaxweyneyaashii hore.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this