Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Iyo Imaaraadka Oo Kala Saxeexday Heshiis Dhinaca Millatariga Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dawladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxeexday heshiis isfaham oo laba geesood ah, kaas oo ay labada dhinac iska kaashanayaan arimo ku saabsan difaaca iyo Milatariga.

IMG_20191120_103031-696x399.jpg

Heshiiskan isfaham ayaa waxa dawlada Ethiopia ku matalayey Wasiirka Gaashaandhigga dalka Ethiopia Lemma Megersa, halka dhinaca Imaaraadkana uu u saxeexay Maxammed bin Axmed Al Bowardi, oo ah Wasiirka arimaha Difaaca ee dalkaasi.

Wasiirka Difaaca Lemma ayaa munaasibada ka sheegay in dalkiisu aad ugu hanweyn yahay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee dhinaca difaaca ee labada dal ee Ethiopia iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo la raacayo danaha qaan-gaadhka ah ee labada dal.

Halka Maxamed bin Axmed Al Bowardi, uu dhiniciisa isna sheegay in heshiiskani uu hoosta ka xariiqayo xidhiidhada wadashaqayneed ee dalkiisu la leeyahay saaxibada caalamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this