Deeq A. Posted November 20, 2019 Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in goor dhoweyd ay xabad ku dhacday u geeriyootay Almaas Elman Cali Axmed oo la dhalatay gabadha u sharraxan billadda Nabadda Nobelka ee Elwad Elman. Almaas Elman ayaa sida la sheegay xabadi ku dhacday xilli ay ku sugneyd xarunta ay deggan yihiin Safaaradaha iyo dibloomaasiyiinta reer Galbeedka ee loo yaqaanno XALANE oo kamid ah meelaha sida weyn amnigooda loo ilaaliyo. Balse weli faahfaahin iyo xog sugan lagama soo werin cidda ka dambaysay rasaasta ay ku dhimatay Almaas iyo halka laga soo riday midna marka laga reebo in la xaqiijiyay xabad in ay u dhimatay. Almas Elman oo mar soo noqotay xoghayaha joogtada ah ee Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya haddana waxay u ol’olayn jirtay xuquuqda Haweenka. PUNTLAND POST The post Almaas Elman oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites