Deeq A. Posted November 20, 2019 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray xarumaha Wasaradda Warfaafinta, Haweenka , Kalluumeysiga, ganacsiga, Beeraha iyo xanaanada Xoolaha. Kormeerka ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hannaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaradaha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay ku leeyihiin tubaha Qaranka iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta. Ra’iisul Wasaaraha oo Wasaaradaha uu kormeeray ugu tagey howl-wadeenno ku jira shaqooyinka Qaranka, ayaa ka xog wareystay xaaladda shaqo, Wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu ku dhiirri geliyay howl-wadeennada Qaranka in ay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites