Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray wasaarado + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane;  Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray xarumaha Wasaradda Warfaafinta, Haweenka , Kalluumeysiga, ganacsiga, Beeraha iyo xanaanada Xoolaha.

Kormeerka ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hannaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaradaha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay ku leeyihiin tubaha Qaranka iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Ra’iisul Wasaaraha oo Wasaaradaha uu kormeeray ugu tagey howl-wadeenno ku jira shaqooyinka Qaranka, ayaa ka xog wareystay xaaladda shaqo,

Wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu ku dhiirri geliyay howl-wadeennada Qaranka in ay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

RW1.jpg RW2.jpg RW3.jpg RW4.jpg RW5-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this